daajis.com:- Zlatan Ibrahimovic ayaa noqday xidiga ugu goolasha badan Paris Saint Germain markii uu laba gool ku saaciday kooxdiisa kulankii ay Marsielle la ciyaareen Axadii.
Ibrahimovic oo kaliya sanadkii 2012 yimid kooxdaan Parc des Princess ayaa 137-kulan ku dhaliyay 110-gool, wuxuuna dhaafay rikoorkii xidigii hore Portugal Pedro Pauleta kaas oo 109-gool ku ahaa xidiga ugu goolasha badan Paris Saint Germain.
Pedro Pauleta wuxuu kooxdaan ku sugnaa intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2008, balse haatan rikoorka xidiga ugu goolasha badan waxaa kala wareegay Zlatan Ibrahimovic.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:30 and have

