Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Denmark (Sawirro)

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Denmark (Sawirro)

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark uga wakiilka ah Soomaaliya Ms. Mette Knudsen.

Madaxweynaha ayaa danjiraha uga waramey horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo barnaamijyada Hiigsiga 2016, iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka soo socda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Denmark uga mahadceliyey doorka ay ka qaadaneyso horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Danjire Knudsen oo iyana halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in Denmark ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena soo dhoweysey horumarka dhinacyada kala duwan ee ay sameysey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.



Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo La Taliyaha Madaxweynaha Dr Aweys Xaaji.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada