daajis.com:- Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maalmahaan safar shaqo ugu maqnaa dalka aan deriska nahay ee Kenya , ayaa markii uu kasoo dagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa waxuu warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International.
Wasiirka ayaa ka hadlay xariga loo geystey saxafiyiinta iyo Agaasimaha taleefishinka Universal ee Bariga Afrika Cabdulaahi Xirsi Kulmiye iyo barnaamij soo saare Cawil Daahir Salaad.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in falka lagu xiray suxuufiyiinta uu dhacay isaga oo dalka ka maqan, isla markaana xogwareysi uu la yeelan doono hay’adaha amniga iyo madaxda Wasaaradda, isla markaana uu xooga saari doono sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah.
Hoose ka Daawo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:30 and have
