Askarta Kenya oo lagu eedeeyay ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya

Askarta Kenya oo lagu eedeeyay ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya

daajis.com:- Koox fadhigoodu yahay dalkan Kenya ayaa sheegtay inay hayso cadaymo Cusub oo faahfaahsan oo sheegaya in militeriga Kenya ee Soomaliya jooga ay ku lug leeyihiin dhoofinta sharci darrada ah ee dhuxusha dekada kismaayo.
Kooxda oo lagu magacaabo weriyayaal cadaalad doon ah ayaa warbixintooda ku sheegay in ciidamada kenya ay sidoo kale soo safriyaan sonkor kontorobaan ah oo gudaha kenya la keeno.


Warbixintan waxay sheegtay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay sanadkiiba 50m oo doolar ka helaan canshuridda dhuxusha iyo sonkorta sida sharci darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya.


Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in ciidamada Kenya ay u suurtagaliyaan Shabaabka in ay lacag sameeyaan, maadama ay iyagana sidoo kale canshuraan dhuxusha iyo sonkorta ka soo baxda ama la geeyo goobaha ay maamulaan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada