daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Mudane, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Xilkii ka qaaday Guddoomiyahii Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, kadib Munaasabad lagu qabtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa lagu badalay Mas’uul kale oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Cali.
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Sheekh Aadan oo hadal ka jeediyay goobta ay Munaasabada ka dhacday, ayaa wuxuu Amaan u soo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka C/qaadir Maxamed Nuur, Siidii waxaana uu xusay inuu wax Wanaagasan Gobolka u qabtay, iyadoo uu sheegay in Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka ay u taallo Shaqo Culus.
C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu Xasuustaa inuu qeyb ka qaatay Dagaalkii Al-shabaab looga saaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose oo aheyd goobta ugu weyn ee Ururka Al-shabaab uu ku lahaa Koofurta Soomaaliya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have

