daajis.com:- Kadib markii dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wareegto ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xasan Jimcaale maantane xilkii si toos ah uu ula wareegay ayaa tan iyo magacaabistaasi waxaa soo baxayay warar kala duwan oo ku aadan isbadal sidoo kale ladoonayo in kuxigeennada lagu sameeyo.
Habada Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay gudbiyeen musharaxooda ay u doonayaan xilka kuxigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inkastoo ay jirtay cabashooyin badan oo horey ay u gudbiyeen.
Musharaxa ay wataan Beelaha Banaadiriga isla markaasina xilka kuxigeennimada ee Maamulka Gobolka Banaadir ay u doonayaan ayaa ah Bashiir Maxamed Cabdulqaadir (Al-Bashiir) oo ah rug cadaa saxaafadeed kana tirsan aqoon yahannada Soomaaliyeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:20 and have

