Cali Dheere oo u hanjabay al-shabaabka doonaya ineey ku biiraan Daacish

Cali Dheere oo u hanjabay al-shabaabka doonaya ineey ku biiraan Daacish

daajis.com:- Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa hadal uu jeediyey waxaa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya xaalada ay ku sugan yihiin Xilligaan Al-shabaab.

Sheekh Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay in midnimadda Al Shabaab ay waajib tahay taasba aysan ogalaan doonin in lacar qaladeeyo,waxaana uu intaa ku daray in ay la dagaalami doonaan Dadka doonaya in ay Figrado kale Ururka ku dhex baafiyaam.

Afayeenka Al shabab ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ay la Xisaab tami doonto Dadka Khalalaasaha siyaasadeed Ururka ka dhex wada.

Hadalka Afhayeenka ayaa waxaa uu imaanayaa,iyadoo Al-shabaab dhexdooda ay isku Khilaafsan yihiin ku biiritaanka Kooxda Daacish iyo in ay ka sii mid ahaadaan Ururka Al-qaacida.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada