Agaasimihii hore ee NISA oo su’aalo shaki badan abuuray ka keenay weerarkii Hotel Saxafi

Agaasimihii hore ee NISA oo su’aalo shaki badan abuuray ka keenay weerarkii Hotel Saxafi

daajis.com:- Agaaismihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan sababa isbiirsaday oo keenay in Al-Shabaab ay kordhiyaan awoodooda dagaalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ay axaddii ku qaadeen hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen 15 qofood oo isugu jira mas’uuliyiin sare iyo dad shacab ah.

Weerarkaasi waxa uu ahaa kii ugu dambeeyey weerar dhowr ah oo Al-Shabaab ay sanadihii ugu dambeeyey ay la beegsanayeen hoteellada iyo goobaha dadweynaha.

Agaaismihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan sababa isbiirsaday oo keenay in Al-Shabaab ay hadda kordhiyaan awoodooda dagaalka.


Fiqi waxa uu dhalliilay ciidamada amniga oo uu yidhi waxay lumiyeen bartilmaameedkii looga baahnaa inay waajahaan.

Wuxuu tilmaamay ragga weerarka soo qaaday inaysan soo xiran dhar dumar, balse ay wateen tuutaha ciidanka sidoo kalena ay wateen hub muuqda oo ay ku dagaal galeen.


“Wax aan laga hortagi Karin malahan, waa laga hortagi kari, dadkaan ma aheyn dad dhar Dumar watay ma aheyn dad Dhuumaaleysi ku yimid ma’aheyn dad soo lugeeyay ma’aheyn, dad hubaysan oo baabuur qaraxyo watay ayeey ahaayeen ciidan hubaysan oo tuute iyo qalabkii ciidanka watay ayeey ahaayeen, hadii ay jiri laheyd feejignaan xoogan waa laga hortagi karay, meelaha ay soo mareen waxaa jooga ciidan xogtooda waa la heli karay, laakiin sidaasi ay u dhacday ayeey u dhacday wax weyn oo laga qabtay ma jirto, dadkii ay galaafan kareen waa ay galaafteen, helista xogta aad ayeey u liidataa.” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi, wuxuu si aad ah u ammaanay ciidamada Gaashaan ee soo afjaray weerarkii Hotel Saxafi, wuxuuna ku ammanay dadaalka iyo naf hurnimada ay sameeyeen ciidamadaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada