Daacish & Al-shabaab oo ku dagaalamay Saakoow

Daacish & Al-shabaab oo ku dagaalamay Saakoow

daajis.com:-  Kooxo iska soo horjeeda oo Al-Shabaab ah ayaa la sheegay inuu maanta isku dhac ku dhex maray deegaan u dhow magaalada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, sida ay dadka degaanku u sheegeen idaacadda VOA.

Iskudhaca ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Raamo oo 30km dhinaca bari ka xigta magaalada Saako kadib markii maleeshiyada Al-Shabab ay weerareen meel ay isku urursanayeen maleeshiyo ka tisran Al-Shabaab oo la sheegay inay taabacsan yihiin ururka Daacish.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay inay dagaalka ku dhinteen ugu yaraan 9 ka tirsan dhinacyada dagaalamay, siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.

Hadal uu jeediyey toddobaakdii hore ayaa af-hayeenka Al-Shabab Cali Maxamuud Dheere waxa uu uga digay dad uu sheegay inay kala qaybinayaan ururka in “Gacmaha laga qaban doono”.

Si toos ah uma uusan magacaabin ururka Daacish, hase yeeshe Cali Dheere waxa uu sheegay in xarakadu tahay maamulka keliya ee islaamiga ah ee sharciga ah ee ka jira Soomaaliya iyo Geeska Afrika, sida uu hadalka u dhigay.

Toddobaadkii hore ayaa ururka Daacish ay baahiyeen cajalad muuqaal ah oo muujinaysa maleeshiyo hore uga tirsanayd ururka Al-Shabab oo ku sugnayd buuraha Calmadaw ee Puntland oo sheegay inay taageersan yihiin ururka Daacish.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada