Deg Deg:- Taliyihii Xabsiga dhexe ee Jubbaland oo la Xiray

Deg Deg:- Taliyihii Xabsiga dhexe ee Jubbaland oo la Xiray

daajis.com:- Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Daahir Afrax ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in xilka laga qaaday taliyahii xabsiga dhexe ee gobalka Jubada Hoose Nuux Xuseen Cismaan, ka dib markii uu ku eedeeyay inuu sii daayay askari ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo maxbuus ahaa.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in taliyaha uu sameeyay ku takri fal awoodeed, islamarkaana uu sii daayay maxbuus ku eedeysnaa dhaawacyo culus oo uu geystay, iyo dhibaato uu soo gaarsiiyay Hooyadiis.

Sidoo kale waxa uu sheegay in taliyaha uu askarigaasi si qarsoodi ah kusii daayay, ka dibna uu magaalada Muqdisho usoo diray waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Aniga oo ah xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida, aniga oo gudana waajibaadka sharciga ii igmaday waxaan si sharci ah xabsiga ku dhigay taliyahii xabsiga dhexe ee Jubada Hoose, xilkana uga qaaday, annaga oo xilkiisa si KMG ah ugu dhiibnay ku xigeenkiisii” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.


Sidoo kale xeer ilaaliyahan ayaa sheegay in wasaaradda arimaha gudaha iyo taliyaha ciidamada Jubbaland ay u direen qoraal ah in degdeg ay kusoo magacaabaan taliyaha ciidamada Xabsiga dhexe ee Jubada Hoose.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada