daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah beelaha degaanka ay hubkoodii ku wareejiyeen maamulka Galmudug.
Wareejinta ayaa qeyb ka ah qorshe iyo kullamo daba socda oo Guuleed uu maalmahan la lahaa beelaha dega Galmudug, oo lagu doonayo inay looga dhaadhicinayo inay hubkooda ku wareejiyaan maamulka.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka hadlay goobta hubka lagu wareejiyey ayaa ballan qaaday in maamulkiisa uu hubkaas u adeegsan doono si wanaagsan.
Madaxweyne Guuleed oo la hadlay waxgaradka beelihii iyagu gartay dowladnimada iyo in hubkii iyo ciidankiiba ay kusoo wareejiyaan Dowlad Gobaleedka Galmdug ayaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u bilaabeen qorshahaan waxaana uu ka dhawaajiyay in hubka ay kusoo wareejiyeen maamulka uu noqon doono mid lagu difaaco Galmdug ciidamaduna laga dhigi doono kuwa dowladeed oo xaquuqdooda leh.
Ugu danbeeyna madaxweyne C/kariin ayaa ugu baaqay beelaha kale in ay ku daydaan kuwa haatan iyagu hubkooda iyo ciidankooda kusoo wareejiyay Gacanta Maamulka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:55 and have





