Erdugaan oo arin lala yaabay ka codsaday Baarlamaanka dalka Turkiga

Erdugaan oo arin lala yaabay ka codsaday Baarlamaanka dalka Turkiga

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Turkiga Rejeb Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii shalay sheegay in uu dar dar gelin doono dadaalka uu ugu jiro in dib-u-eegis lagu sameeyo Dastuurka dalkaasi.

Erdogan ayaa doonaya in wax laga bedalo Awooda Dastuurka siinayo Madaxweynaha oo ah mid kooban, wuxuuna sheegay Madaxweyne Erdogan inuu ka codsaday Raysalwasaaraha Ahmet Davutogl inuu Baarlamaanka usoo bandhigo qodobada laga bedalayo Dastuurka.

Xisbiga ay hogaamiyaan Madaxweyne Erdogan iyo Raysalwasaare Ahmet Davutogl ee AK party ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadii Baarlamaanka ee dhacday Axadii lasoo dhaafay, cobixintaasi oo uu xisbi Xaakimka dib ugu hantay awooda aqlabiyada Baarlamaanka.


Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay hadii Baarlamaanka Ansixin waayo in dastuurka wax laga bedalo markaasi ay u furan tahay in uu ku dhawaaqo Afti dadweyne.

Dhinaca kale waxaa Arbacadii shalay dagaal xoog badan uu ka dhacay deegaanka Daglica ee koonfur-bari dalkaasi Turkiga, dagaalkaasi oo u dhaxeeyey Ciidamada Turkiga iyo Kooxda PKK ayey ku dhinteen ugu yaraan 18 qof u badan dagaalyahanada PKK.

Erdogan oo khudbadiisii ugu horeysay soo jeediyey tan iyo doorashadii Axadii lasoo dhaafay ayaa wacad kumaray markale inuu sii wadi doono dagaalka uu ku burburinayo kooxda PKK.

W/Q Khalid Yusuf

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada