Diyaaraddii Ruushka oo la aaminsan yahay in burburkeeda loo adeegsadya bam la dhex dhigay

Diyaaraddii Ruushka oo la aaminsan yahay in burburkeeda loo adeegsadya bam la dhex dhigay

daajis.com:- Waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in burburkii diyaaraddii Ruushka ee ku burburtay Sharmel-Shekh ee dalka Masar in loo isticmaalay soo ridisteeda waxyaabaha qarxa oo la dhigay diyaaradda, taasoo keentay in dowladda Britain ay joojiso dhamaan duulimaadyadii aadi lahaa magaalada Sharmel-Shekh ee dalka Masar.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeyso sirdoonka Masar iyo qabiiro ku howlan baarista sababaha burburka diyaaraddaasi ayaa sheegay in suuragal ay tahay in waxyaabaha qarxa oo la dhex dhigay diyaaradda ay sabab u aheyd in ay soo dhacdo diyaaraddaasi oo ay ku dhinteen 224 ruux.

Illaha ay wakaaladda wararka Reuters soo xigatay ayaa sidoo kale sheegay in aan laga hordhici karin baaritaanada socda, ayna haboon tahay in la sugo natiijada dhabta ah ee kasoo baxa baaritaanadan.



Dhanka kale Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Philip Hammond, waxa uu sheegay in qiimeyn ay la socotay tijaabin sirdoon oo ilo kala duwan laga helay lagu ogaaday arrintaasi.

Xubno ka mid ah laamaha amniga ee Mareykanka ayaa xoojiyay hadalkaasi ah in bom la geliyay gudaha diyaaradda, laakiin waxay tilmaameen in taasi aysan noqon karin dhammaadka baaritaanka dhabta ah.

Sarkaal Amerikaan ah ayaa sheegay in kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee sheegatay inay ka dambeysay soo rididda diyaaradaasi ay suuragal tahay inay lug ku lahaayeen.
Britain waxa ay hakisay dhammaan duulimaadyada aadi jiray magaalada Sharma Sheekh, halkaas oo ah meesha ay ka kacday diyaaradda Ruushka laga lahaa ee la soo riday.

Masar ayaa tallaabadaasi Britain ay qaaday ku tilmaamtay mid niyad jab ah oo laga caroodo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Sameex Shukri, waxa uu ku tilmaamay tallaabo lala soo hordhacay, oo curyaamineysa, aananna la jaan qaadi karin baaritaannada hadda socda.

Waxa uu BBC-da u sheegay in Masar ay qaaday tallaabooyiin u gaar ah amniga gigada caalamiga ah ee Sharma SHeekh.

Wasiirkan ayaa tilmaamay in cawaaqib xumada ka dhalaneysa tallaabada Britain ay tahay mid saameyneysa malaayiin qof oo Masaari ah oo ku tiirsanaa dalxiiska.

Talaabadan Britain waxa ay imaaneysaa iyadoo madaxweynaha Masar Cabdifitaax Alsisi uu ku sugan yahay London, halkaas oo uu kula kulmayo madaxda UK oo uu kala hadlaayo xoojinta xiriirka labada dhinac.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada