Daawo:- dhacdo argagax leh oo ka dhacday xuduuda Fransiiska & Bilgumka

Daawo:- dhacdo argagax leh oo ka dhacday xuduuda Fransiiska & Bilgumka

daajis.com:- Wakaaladaha wararka ayaa qoray in Kooxo ku hubeysnaa hubka fudud ay afduub ka geysteen xuduuda Fransiiska la wadaago Bilgumka.

Afduubka ayaa loo geystay maamule Bangi iyo qoyskiisa waxa uuna afduubka ahaa mid si gaar ah uga dhacay magaalada Roubaix ee ku taal xuduuda France iyo Belguim-ka.

Kooxda afduubka geysatay ayaa afduubkooda ka hor furay rasaas xoogan kadibna halkaasi ka kaxeysteen Maamulaha Bangiga iyo qoyskiisa.

Booliska Faransiiska ayaa sheegay in dhacdadaani aysan xiriir la laheyn dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Paris, waxa ayna xaqoojiyen in falkaasi aysan geysan Daacish.

Booliska Faransiiska ayaa sheegay in la badbaadiyay dadka la afduubtay, hase ahaatee waxaa xaafada Gustave Delory Avenue and Vaillant Street ka socda howlgal ay booliska wadaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada