daajis.com:- Dowlada Belgium ayaa soo bandhigtay Sawirada iyo Magaca nin kale oo ku lug lahaa Weerarkii qasaaraha badnaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Paris ee Caasimada Dalka Faransiiska.
Mohamed Abrin oo 30 jir ah ayaa la sheegay in uu kamid ahaa Ragii wax ka qorsheeyay Weerarkii dhawaan lagu qaaday Magaalada Paris, waxa uuna ninkan waday mid kamid ah gaadiidkii Paris lagu geeyay ragii weerarka fuliyay.
Ninkan hada la baadi goobayo ayaa la sheegay in ay wada socdeen Saalax Cabdisalaan oo isna wax ka maleegay Weerarkii Magaalada Paris si weyna looga baadi goobayo Wadamada Belgium-ka iyo Faransiiska.
Saalax iyo Ninkan kale ee la baadi goobayo ayaan wali la ogeyn halka ay ku dambeeyaan, waxaana ragan markii weerarada dhacayeen ay ku sugnaayeen gudaha Faransiiska, inkastoo Saalax Cabdisalam la xaqiijiyay in uu dib ugu laabtay Dalka Belgium oo markii hore ka tagay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have



