Sir halis ah: Burcad soo bandhigay documents sir ah oo lagu halligi rabo Soomaaliya (CADEYN)

Sir halis ah: Burcad soo bandhigay documents sir ah oo lagu halligi rabo Soomaaliya (CADEYN)

daajis.com:- Kooxda Burcadda jabsata Xogaha ku kaydsan Kombiyuutaradda ee isku magacowda “The Yemen Cyber Army” ayaa soo bandhigtay Dukumentiyo ay kala soo baxeen Xogaha ku kaydsan Kumanaan Kombiyuutaro ay leeyihiin Hay’addaha Dowladda Sacuudiga, iyadoo Dukumentiyadaasi ku jiraan kuwo khuseeya Arrimaha dalkeenna Somalia.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee FARS News Agency “FNS” ayaa soo bandhigtay Dukumantiyadda ay Burcadda Internetka hayaan, waxaana ku jira Qoraallo ay is-dhaafsadeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga iyo Safaaradooda ku taalla dalka Jabuuti.

Qoddobadda Farriimahaasi ugu muhiimsan ayaa lagu sheegay Kaalinta Dowladda Qatar ee dhexdhexaadinta Dowladda Federalka iyo Dagaalamayaasha Alshabaab, iyadoo lala kaashano Dowladda Eritrea oo galangal xooggan ku leh Arrimaha Somalia.

Waxaa kaloo la sheegay inay Eritrean ku sugan yihiin Somalia, iyagoo la jooga Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida lagu xusay Dukumentiga Qarsoodiga ee la helay.

Qoraalka waxay kaloo Dowladda Sacuudiga walaac xooggan ka muujisay Joogitaanka Iiraan ee Geeska Afrika, gaar ahaan Jabuuti.

Dowladda Sacuudiga waxay baqdin ka muujisay Isbedel ku yimaada Caqiidada Ummadda Soomaaliyeed, oo ay soo baxaan Soomaali Shiico ah, waa sida lagu xusay Dukumentiga ay soo bandhigeen Kooxda Burcadda Jabsata Xogaha Kombiyuutaradda ee “The Yemen Cyber Army” .

Qoraalka ay is-dhaafsadeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga iyo Safaaradooda ku taalla dalka Jabuuti, waxaa kaloo laga digay inay dhici karto inay Dadka Soomaaliyeed ee Shiicadda noqdo ay cadowtooyo u qaadaan Sacuudiga, maadaama ay Somalia ka jirto nolol aad u xun.

Dhinaca kale, Qoraalka waxaa lagu muujiyey Qorshaha Qarsoon ee Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Saldhigga ku yaalla dalka Jabuuti, waxaana la tilmaamay in looga dan leeyahay in Somalia lagu sameeyo Faragelin aan Toos ah, iyadoo QM laga codsanayo Fasaxa Faragelinta Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada