Daawo :- Gabar Soomaali ah oo Wajiga looga dhuftey bakeeri Qamri ka buuxa markii lagu dhibsaday inaysan ku hadleynin Afka Ingiriiska

Daawo :- Gabar Soomaali ah oo Wajiga looga dhuftey bakeeri Qamri ka buuxa markii lagu dhibsaday inaysan ku hadleynin Afka Ingiriiska

daajis.com:- Gabar Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inay Wajiga looga dhuftey bakeeri uu Qamri ka buuxo ka dib markii lagu dhibsaday inaysan ku hadleynin luqada Afka Ingiriiska iyadoona ay gabadhaas Soomaaliyeed uu halkaas ka soo gaarey wajigeeda dhaawac culus. 

Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Asma Maxamed Jaamac oo ku nool magaalada Coon Rapids ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan ay maqaaxi kula qaxweynaysay qaar ka mid ah ehelkeeda laakiin haweeney lagu magacaabo Jodie Marie Bruchard-Risch oo 43 sano jir ah oo iyadana ku sugneyd maqaaxidaas ayaa waxay dhibsatey luqada Sawaaxilaga ah ee ay gabadhaas ay ku hadlaysay iyadoona Koob weyn oo uu ka buuxay qamri mar qura wajiga kaga dharbaaxday gabadhaas islamarkaana si caro leh ugu dhawaaqday ku hadal Af Ingiriis iyadoona uu gabadhaas Soomaaliyeed uu halkaas ka soo gaarey dhaawac culus oo uuna ka jarey bakeerigaas Sanka, Bishinta iyo Isha korkeeda. 





Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed ay hada ka soo kabaneysay dhaawacii ka soo gaarey islamarkaana la toley ilaa iyo 17 qodob ayaa waxay gabadhaas ay sheegtay inaysan waligeed waxaan oo kale aanay la kulmin, Gabadhaan Soomaalia ah oo lacag qaaraan ah loo weydiiyey Shacabka Mareykanaka kaas oo ahaa lacag gaareyso ilaa 5000 oo doolar oo lagu bixinaayo daaweynteeda ayaa waxaa mudo kooban ay dadka ugu deeqeen lacag ka badan 8000 oo doolar iyadoona ay sidoo kale ay dadkaasi ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dhibaatada soo gaartey gabadhaas Somaaliyeed, Haweeeydii cunsuriyada ahayd ee waxyeelaysay gabadhaas Soomaalida oo ay booliisku xabsiga dhigeen ayaa iyada dhawaantaan la horkeeni doonaa maxkamada. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada