Daawo Sawirada:- Sawaariiq halis ah oo Daacish ku soo qabsadeen Ciraaq oo la ogaaday halka lagu Qariyay.

Daawo Sawirada:- Sawaariiq halis ah oo Daacish ku soo qabsadeen Ciraaq oo la ogaaday halka lagu Qariyay.

daajis.com:- Hubka ridada dheer ee ka sameeysan Sawaariiqda ayaa kooxda Daacish waxeey ku soo furteen dagaalo ka dhacay dalka Ciraaq balse gantaaladaan halista ah ayaa iminka waxaa la ogaaday halka ay ku qarsadeen kooxda Daacish .

Magaalada Rakka oo ku taala dalka Syria ayaa maalmahaan dambe waxaa ka taagan cabsi balaaran ka dib markii la ogaaday xeryo ciidan oo ku yaal Rakka inay hub gantaalo ah ku qarsanayaan xoogaga Daacish kuwaas oo kala soo qaxay dalka Ciraaq .

Hubkaan halista ah oo dhawaan u gacan galay kooxda Daacish ayaa waxaa la rumeesan yahay in ay ku weerari karaan ama uu gaaraayo wadamo daris la ah dalalka Ciraaq iyo Siiriya .

Qaar ka mid ah dalalka weerarka ku hayo kooxda Daacish ayaa lacago xoogan u balan qaaday cidii si rasmi ah u soo sheegta halka ay Daacish ku qarsadeen hubkaan waxaana wadamada lacagta balan qaaday ka mid ah Mareeykanka , Ruushka , Sucuudiga , Faransiiska, Iiraan iyo Jordan .





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada