Daawo:- Ibrahimovic oo niyad jab ku riday Laacibiinta asal ahaan u dhashay dalka Sweden

Daawo:- Ibrahimovic oo niyad jab ku riday Laacibiinta asal ahaan u dhashay dalka Sweden

daajis.com:- Xiddiga Qaranka Sweden iyo kooxda reer France ee Paris Saint Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa markii 9-aad oo xiriir ah ku guuleeystay abaalmarinta Laacibka sanadka ee dalka Sweden .

Waa markii 10-aad oo laacib Zlatan Ibrahimovic loo caleemo saaro (Swedish player of the year) , balse 9-jeer oo xiriir ah ayuu qaatay abaalmarintaan . Sanadkii 2006-kii ayaa ugu dambeeysay laacib reer Sweden ah oo qaata Abaalmarintaan qaaliga ah wuxuuna ahaa xiddigaas Freddy Ljungberg .

Zlatan Ibrahimovic oo ka soo jeeda asal ahaan dalka Bosnia wuxuu niyad jab ku riday laacibiinta yar yar ee reer Sweden kuwaas oo fursad u heli waayay inay qaadaan abaalmarintaan muhiimka ah .

Habeenka Sabtida ayaa lagu wadaa xulka Sweden in ay ciyaar adag oo Play-off ah kula ciyaaraan magaalada Stockholm xulka Qaranka Denmark maadaama labada dal kii soo badiyo labada kulan uu u soo bixi doono koobka Qaramada Yurub ee EURO 2016 in France .



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada