DAAWO: Israa’iliyiin qaab qiyaano ah u weeraray Isbitaal kuna dilay nin Falastiini ah

DAAWO: Israa’iliyiin qaab qiyaano ah u weeraray Isbitaal kuna dilay nin Falastiini ah

daajis.com:- Ciidamo katirsan Kumaandooska Yahuuda Israa’il ayaa Weerar waxa ay ku qaadeen Isbitaal kuyaala magaalada Hebron ee daanta Galbeed ee dhulka Falastiin, waxa ayna Isbitaalkaasi ka geesteen dil iyo Afduub.

Ciidamadan Yahuuda ayaa usoo labistay qaabka Falastiiniyiinta waxa ayna xiligii salaada subax waxa ay Weerar ku galeen dhismaha Isbitaalka Al-Ahli, waxa ayna ciidamadan oo ahaa kuwa aad u hubeesan ay gaarayeen 21-nin.

Goobjoogayaal ku sugnaa isbitaalka ayaa ku waramay in Ciidamada oo Yahuuda wajiyada qarsaday ay gudaha usoo galeen Isbitaalka iyaga oo baadi goobayay nin falastiini ah oo dhaawac qabay oo lagu daweenayay gudaha Isbitaalka .

Ciidamada Yahuuda ayaa gudaha Isbitaalka waxa ay ku dileen Nin Falastiini ah oo lagu magacaabo Abdullah al-Shalaldeh, ninkan ayaana ilmo adeer la ahaa ninka ay doonayeen Ciidamada Yahuuda oo lagu magacaabo Azzam, Ciidamada ayaana xoog isbitaalka ugula baxay Azzam isaga oo dhaawac qaba.
Halkaan Hoose ka Daawo


Weerarkan ay Ciidamada Yahuuda ku qaadeen Isbitaalka ayaa si weyn loo canbaareeyay, Maamulka Isbitaalka ayaan falkaasi ku tilmaamay mid xadgudub ku ah Shuruucda Caalamiga oo dhigaya in aan Isbitaal dad lagu dhax dili karin.

Ciidamada Yahuuda oo dhibaato xoogan ku haya Shacabka Gobonimodoonka ee Reer Falastiin ayaa mararka qaarkood waxa ay isku ekeesiiyaan dhalinyarada Falastiiniyiinta ah iyagoona weerara goobaha ay Falastiiniyiinta joogaan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada