Xubno ka mid ah qoyska Madaxweynaha Venezuala oo la xiray

Xubno ka mid ah qoyska Madaxweynaha Venezuala oo la xiray

daajis.com:- Dowlada Maraykanka ayaa xabsiga dhigtay labo nin oo ay qaraabo yihiin Madaxweynaha dalka Venezuela Nicholas Maduro.

Raggan ayaa laga soo qabtay dalka Haiti, waxaana lagu eedeeyey inay wadaan hawlo ganacsiga daroogada la keeno gudaha wadanka Maraykanka, sida ay sheegtay hay’ada la dagaalanka daroogada ee Maraykanka (DEA).

Labadan nin ee u dhashay dalka Venezuela ayaa la xaqiijiyey inay ilmo adeer yihiin xaaska Madaxweynaha Venezuela Maduro.

Dowlada Venezuela iyo xafiiska Maduro ayaan weli arrintan ka hadlin, balse dalkaasi ayaa in muddo ah ku eedeenayey dowlada Maraykanka inay wado hawlo ay dooneyso inay ku majo-xaabiso xukuumada Madaxweyne Maduro.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada