daajis.com:- Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa maanta sameeyay arin aysan dad badan fileyn inuu sameynayo ka hor inta uusan wareejin xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Gudoomiye Muungaab ayaa degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir kusoo wareejiyay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, waxaana degmooyinka la geeyay kamid ah degmada Xamarweyne,Kaaraan, Cabdicasiis iyo Degmada Heliwaa.
Gudoomiyihii hore ee Banaadir Muungaab ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo gudoomiyaha Cusub.
Goobaha la geeyay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir waxaa kamid ah xarunta KMG ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo dhismaha cusub ee uu ku shaqeynayo maamulka gobolka Banaadir.
Hoos ka daawo sawirada
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:58 and have




