Xassan Sheekh oo ka run sheegay arrin si aad ah looga hadal hayo Muqdisho

Xassan Sheekh oo ka run sheegay arrin si aad ah looga hadal hayo Muqdisho

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyay in Diyaaradii kusoo dhacday duleedka Degmada Afgooye ay ku jirto gacanta Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Madaxweyne Xassan oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri“Maleeshiyo burcad ah ayay gacanta ugu jirtaa diyaarada, Dowladuna baaritaano ayay wadaa”, waxa uuna intaa raaciyay hadalkiisa in dadkii la socday ay afduubteen Al-shabaab.

Xassan Sheekh wali ma uusan cadayn in afduubayaasha ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab iyo in kale.

Diyaarada u gacangashay Al-shabaab ayuu sheegay Madaxweynaha inay siday rakaab dhan 9 ilaa 11 qof, kuwaas oo aan wali la aqoonsan dhalashadooda.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ka ambabaxday Nairobi kuna wajahnayd Ballidoogle, saldhig diyaaradeed oo 90 km dhanka galbeedka uga beegan caasimadda Muqdisho.

Lama garanayo waxa sababay burburka, inkastoo warar kaasi ka duwan ay sheegayaan in diyaarada si ku tallo gal loo riday islamarkaana ay Hub iyo dhaqaale u siday Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada