daajis.com:- faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Galmudug iyo Puntland oo ka dhacay koofur magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xaafadaha Garsoor iyo baraxleey oo ay kala maamulaan labada maamul.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamo maleeshiyad ah oo iska abaabulay xaafad Baraxleey ay la dagaalameen ciidamada maamulkooda oo doonayay furitaanka waddada laamiga ah ee laga dhisayo magaalada Gaalkacyo.
Laakiin maamulka Galmudug ayaa dhankooda sheegay in dagaalka ay ka dambeeyeen maamulka Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay C/welli Maxamed Cali Gaas.
Inta laga warhayo ku dhawaad 10 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta waxaana intaasi ka badan dhaawacyada ka dhashay dagaalka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:30 and have






