daajis.com:- Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo dad degaanka illaa 5 sargaal oo ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab in lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo habeen ka hor ka dhacay tuuladda Baladul Amiin oo hoos tagta degmada Wanla- Weyn ee gobolka Sh/Hoose.
Sargaal ay wakaaladda wararka wararka Reuters magaciisa ku sheegtay Major C/qaadir Axmed oo booliska Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in xogta ay ka heleen degaanka la duqeeyay ay sheegayso in duqeynta dadka ku geeriyooday uu ku jiro gudoomiyaha Al-Shabab ee G/Sh/hoose Sh, Max’ed Abu Cabdalla.
Sargaalkaas waxaa uu sheegay in warkaas ay u xaqiijiyeen dad degaanka ku sugan.
Qof kale oo ka mid ah dadka degen tuuladda Baladul Amiin oo magaciisa la yiraahdo Aadan Axmed ayaa asna sheegay in dhawaqa gantaalo ay maqleen hase ahaatee aysan khasaaraha cadeyn Karin.
Ma jiraan warar madaxbanaan oo cadeynaya ama beeninaya Wararkaan, Al-Shababna willi kama aysan hadlin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:22 and have

