daajis.com:-Xaalada magaalada Galkacyo ayaa saaka ah mid degan, kadib markii dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay uu shalay halkaas ka dhacay.
Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa midba midka kale waxaa uu ku eedeynayaa inuu dagaalka mas’uul ka ahaa.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka ay ka dambeeyeen maleeshiyo ka tirsan Galmudug oo weerar ku soo qaaday howl wadeeno ku sugneyd Xaafada Garsoor.
Puntland ayaa ku eedeysay Galmudug in weerarka ay u adeegsatay madaafiic hoobiyeyaal ah iyo qoryaha lidka diyaaradaha, taasoo ay ku waxyeeloobeen dad maato ah.
Waxaa soo baxaya baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo labada dhinac, waxaana waxgaradka deegaanada Puntland iyo Galmudug ay ku baaqeen in dagaalka la joojiyo.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ugu baaqday labada maamul inay dagaalka joojiyaan, isla markaana xasilooni u horseedaan dadka deegaanka.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyootay ku dhowaad todobo ruux, halka dad gaaraya afartan ruuxna ku dhaawacmeen, kuwaasoo u badnaa dad rayid ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:25 and have

