daajis.com:- Waxaa xalay Magaalooyin waa weyn oo kuyaala Qaarada Yurub ka dhacay banaanbaxyo qaarkood ay rabshado wateen , waxaana banaanbaxyadan ku baaqay isuguna soo baxay kooxda loo yaqaan Anonymous.
Banaanbixii ugu weynaa ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada London ee Caasimada Wadanka Ingiriiska, waxaana intii banaanbaxa socday gacmaha iskula tagay Ciidamada booliiska iyo qaar kamid ah dadkii dhigayay dibad baxa.
Banaanbixii xalay ka dhacay Magaalada London ayaa dadkii isugu soo baxay waxa ay tageen nawaaxiga xarunta Baarlamaanka iyo Xafiiska Raysalwasaaraha ee (Downing Street), waxaana Banaanbaxa uusaameyn ku yeeshay qeybo kamid ah Magaalada London.
Kooxda Anonymous ee banaanbaxa dhigayay ayaa ah koox markii hore kasoo if baxday baraha bulshada kuwada xariiraan ,waxa ayna kooxdan olole ka dhan ah Dowladaha waa weyn iyo Hay’adaha Sirdoonka ka wadeen baraha Internetka.
Banaanbaxyada ay dhigeen taageerayaasha kooxdan ayaa wajida soo gashtay maasgaro, waxa ayna kooxdan ka cabanayeen arimo badan ay kamid yihiin, awooda Siyaasiyiinta iyo ganacsatada ay tilmaameen in caalamku u gacan gashay, Faragalinta ay Sirdoonada dalalkooda ku hayaan Shacabka iyo joojinta colaadaha kasocda meelo badan oo caalamka katirsan sida Falastiin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:26 and have





