daajis.com:- Dowlada Itoobiya ayaa cabsi xoogan ka muujisay wararka sheegaya midowga garab kamid ah Alshabaab iyo Kooxda Daacish.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo wax laga weydiiyay dhibaatada ka dhalankarta isku biirida labadaasi dhinac ayaa sheegay in musiibo hor leh arinkaasi ay u tahay Qaarada Africa.
Waxa uu sheegay in khatar ay ugu filantahay Al-shabaab, daacishna ay usii horseedi karto in Africa oo burburto.
“Al Shabaab way sii daciifaysaa oo tababar badan malaha. Arrinta culeyska keeni karta waa ku biirista Al Shabaab ee Daacish, taas ayaana hadda diiradda saaraynaa.”
Waxa kaloo uu yiri “Itoobiya way ka feejigan tahay weeraro kaga yimaada Al Shabaab, waxaana garab taaganahay bulshada Somaliyeed. Somalida ayaa ah kuwa dagaalka kula jira Al Shabaab.”
Ugu danbeyntii waxa uu sheegay in isku biiridooda ay sara qaadi doonto dadaalka Ciidamada Amisom ay ku xaqiijinayaan amaanka Somalia.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:15 and have

