Generaal Gaafow oo digniino u diray Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya

Generaal Gaafow oo digniino u diray Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya

daajis.com:- Generaal Cabdullaahi Gaafow Max’ud oo ah Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ayaa si adag uga hadlay ajaanibta iska soo galeysa Somalia si fududna uga baxeyso dalka iyaga oo aan lala socon waxa ay yihiin.

Gaafow waxa uu sheegay in xiligaani wixii ka danbeeya ay la xisaabtami doonaan Beesha Caalamka wuxuuna sheegay in beesha Caalamka aan laga aqbali doonin in dad Ajnabi ah ay dalka si aan sharci ahayn ku soo geliyaan kuwaas oo ay doonayaan in iyagoo aan sharci heysan ay ku shaqeystaan .

Waxa uu sheegay inay dhamaatay isla xisaabtan la’aanta waxa uuna ku hanjabay inay talaabo adag ka qaadayaan Ajaanibta aan garaneynin xishoodka ee dalka kusoo galayo sharci la’aanta kuna baxayo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay ku raad joogaan dad si sharci darro ah ugu sugan dalka kuwaas oo sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiro laamaha socdaalka iyo Jinsiyadaha si loo diiwaan geliyo islamarkaana ruqsad uu ugu sugnaan karo dalka loo siiyo.

Taliyaha ayaa cadeeyay in ciddii aan heysan ruqsad sharci ah ee ay dalka ku joogta ay ka qaadi doonaan Tallaabo ku haboon.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada