daajis.com:- Wasiirkii arimaha dibada ee dalka Ciraaq Naji Sabri ayaa shaaca ka qaaday sir in muddo ah qarsoonayd oo ku saabsan habka loola dhaqmi jiray Dublamaasiyiintii ku kacsanaa xukuumadii Ciraaq ee masaafuruska u joogay dibada dalkaasi.
Mr Naji ayaa sheegay in CIA-da Mareykanku ku qasbi jirtay Dublamaasiyiintaas inay la shaqeeyaan oo ay xog badan siiyaan haddii kale ay ku laabtaan dalkooda.
“Waxaa la soo eryay rag badan oo ka madax adeegay arintaasi” ayuu yiri Wasiirkaa hore oo la hadlaya Kanaalka Alarabiya.
Xogtaan ayaa ka yaabisay dad badan oo la socday hagardaamada Mareykanka ee ka dhanka ah dalkaas laakiin aan ka war qabin mashaqada ay waday Dowladaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:09 and have

