daajis.com:- Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo gaaray magaalada Makkah ee dalka Sucuudiga, waxaana wehliyay Madaxweynaha wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya,Cabdi Salaan Hadliye Cumar,Wasiiru dowlaha madaxtooyada mudane Mahad Maxamed,Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo mas,uuliyiin kale.
Madaxweynaha iyo xubnaha la socday oo kusoo cimreystay dhulka barakeysan ayaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu alle uga baryay dadka Soomaaliyeed inuu ka dulqaado dhibta heysata isagoo kusugan kacbada ayuu u duceyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa boqortooyada Sacuudi Carabiya uu kaga qeyb galay Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America oo ka dhacay Magaalada Riyadh.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:54 and have







