daajis.com:- Warbixin ay maanta soo saartay Hay’adda Journalist For Justice Kenya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Kenya ay ka qayb qaataan, lacag xooganna ka faa’iidaan dhuxusha laga dhoofiyo Magaalada Kismaayo.
warbixintan waxaa Sidoo kale lagu sheegay in Ciidanka Kenya ay Magaalada Kismaayo ka qaadaan sonkorto sharci darrada ah ee laga soo dejiyo Dekeda Kismaayo, waxayna u iib geeyaan Deegaanada Al Shabaab iyo dalka Kenya.
Dhuxusha laga dhoofiyo Dekeda Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa laga keennaa dhulka ay gacanta ku hayso Ururka Al Shabaab, waxaana dhuxushaasi loo iib geeyaa qaar ka mid ah Wadamada Carabta.
Waxaa lagu cadeeyay Warbixintan in Ciidanka Kenya ay sanad kasta lacag u dhiganta 100 milyan oo doolar ka faa’iidaan dhoofinta dhuxusha iyo sonkorta sida sharci darrada ah looga soo dejiyo Dekeda Magaalada Kismaayo, Ciidanka Kenya ayaa lacagahaasi waxa ay ku soo gashaa canshuur ay ka qaadaan dhuxusha iyo sonkortaba.
Warbixintan ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in marka Kooxda Al Shabaan ay xasuuq ka geysato dalka Kenya ay ciidamada Kenya ay u aar gudaan dadkii ay Al shabaab ka layeen, iyagoo Ciidamadoodu ay meelaha baadiyaha ah ku laaya dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan, deetana Taleefishinada dalkeena laga sheego inay Ciidamo Shabaab ahi ku laayeen gudaha Soomaaliya ayuu yiri Afhayeenkii Hay’adda Journalist For Justice Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have

