daajis.com:- War-Saxaafadee digniin ah oo ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ee Galmudug ayaa Diyaaradaha ka shaqeeya deegaanada Galmudug lagu amray inay duulimaad ka sameeyaan garoonka diyaaradaha cusub ee OSHACA ee magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Cabdikariim Macalin Axmed ayaa tilmaamay in Diyaaraddii aan duulimaad ka sameynin garoonka OSHACA ee Gaalkacyo kana howl-gasha deegaanada Galmudug ay gabi ahaanba kala laaban doonaan ruqsadda shaqo oo ay kaga shaqeyso deegaanada Galmudug isla markaana laga mamnuuci doono Hawada Galmudug.FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:30 and have

