Daawo:- Taliyaha ciidamada Booliska oo gaaray Khartuum

Daawo:- Taliyaha ciidamada Booliska oo gaaray Khartuum

daajis.com:- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa xalay saqdii dhaxe gaaray magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan halkaas oo ay booqasho sadax maalin qaadan doonta ku joogi doonaan.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Khartoum  gaar ahaan Hoolka VIP kusoo dhaweeyay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan iyo Madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu horkacayay Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane Maxamed Cabdulaahi Ugaas Lataliyaha koowaad Ibraahin Guure Maxamed iyo Uqaybsaha Warfaafinta Fiidow Maxamuud Fiidow.

Wafdiga uu horkacayo Taliyaha ayaa waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan Booliskeena Soomaaliya oo horay wax ugu bartay Dalka Suudaan midaas oo muuhinaysa in xariir qoto dheer u dhaxeeyo labada boolis ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Suudaan u yimaadeen sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeeya labada dal gaar ahaan dhanka Booliska iyo waxii la xariira isagoo intaa ku daray in ay rabaan in khibrad badan ka qaataan Booliska Dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada