daajis.com:- Jaaliyada Soomaalida ee Galmudug ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa isugu yimid kulan baroordiiq ah iyo cambaareyn isugu jira oo ku saabsan qaraxii dhawaan ka dhacay Hotel Saxafi oo ku geeriyoodeen Masuuliyiin ka tirsanaa Dowlada Soomaaliya iyo dadkale oo qaraxa lagu laayey.
Jaaliyada ayaa sheegtay in ay aad ugu xunyihiin qaraxyada lagu baabi’inayo hal doorka Soomaaliyeed isla markaana ku baaqay in la joojiyo ficilada xun xun ee qaraxyada iyo ismiidaaminta isugu jira ee lagu dhamaynayo shacabka Soomaaliyeed iyo Masuuliyiintaba.
Hadaba Kulankani ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha jaaliyada Galmudug ee dalka Maraykanka Maxamed Ducale Kaahiye iyo masuuliyiin kale oo ka qeyb galay kulankani.
Hoos ka Daawo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:29 and have
