daajis.com:- Diyaarado dagaal oo aan la garaneyn dalka laga leeyahay, ayaa lagu soo waramayaa ineey xalay duqeyn ba’an u geysteen saldhigyo ay al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Beled-Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararku waxay sheegayaan in duqeynta ay xalay saq dhex ka dhacday deegaan duleedka ka ah Beled-Amiin, islamarkaasina ay halkaas ku dhinteen ilaa 8 dagaalyahan oo al-shabaab ka tirsan.
Deegaano u dhow dhow Beled-Amiin ayaa laga maqlay duqeyntii xalay dhacday iyadoo dadka reer miyiga ay sheegeen in illaa saddex jeer duqeyntu ay dhacday.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada iyo maamulka Alshabaab oo la xiriira duqeyntan loo geystey deegaanka Beled-Amiin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:30 and have

