Labo ka mid ah siyaasiyiinta ugu weyn dalka Bangladesh oo la dal dalay

Labo ka mid ah siyaasiyiinta ugu weyn dalka Bangladesh oo la dal dalay

daajis.com:- Labo ka mid ah siyaasiyiinta ugu weyn dalka Bangladesh ayaa la dal dalay, kadib markii lagu eedeeyay inay galeen dambiyo dagaal, xilligii dalkaas uu madax banaanida ka qaadanayay dalka Pakistan sanadkii 1971.

Salahuddin Quader Chowdhury iyo Ali Ahsan Mohammad Mujahid ayaa labadaba ahaa hogaamiyeyaasha mucaaradka, waxaana lagu soo oogay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada iyo kufsi, inkastoo ay beeniyeen.

Salahuddin Quader Chowdhury ayaa ahaa siyaasi caan ah, waxaana lix jeer loo doortay Baarlamaanka dalkaas
Ninka kale ee lagu magacaabo Ali Ahsan Mohammad Mujahid ayaa xubin sare ka ahaa Xisbiga Islaamiga ugu weyn Bangladeshe oo lagu magacaabo Jamaacatul Islami.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Bangladesh Asaduzzamen Khan ayaa sheegay in labadan nin la dal dalay, markii Madaxweyne Abdul Hamid uu laalay racfaan ay ka qaateen labada nin xukunkooda.


Waxaa laga cabsi qabaa xukunk dal-dalaada lagu fuliyay inuu ka dhasho caro dadweyne iyo rabshado, waxaana ciidamo fara badan la soo dhoobay wadooyinka.

Xukunka dal dalaada ee lagu fuliyay labada siyaasi ayaa sidoo kale waxay keeni kartaa xiriirka Bangladesh iyo Pakistan inuu xumaado

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada