daajis.com:- Duufaan hor leh oo ka soo socota dhinaca waqooyi ee badweynta Hindiya, ayaa lagu wadaa inay ku dhufato qaybo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya maalmaha soo socda.
Hay’adda maareynta macluumaadka biyaha iyo berriga Soomaaliya ee SWALIM ayaa digniin ay shalay soo saartay ku sheegtay in 36 saacadood ee soo socda ay duufaantaas ku aaddan tahay qaybo ka mid ah Puntland sida qaybo badan oo ka tirsan gobolka Bari.
Duufaantaan ayaa sidoo kale laga baqayaa inay ku dhufato Buuraha soo shubaha Biyaha Webiga Shabeelle sidaana ay ugu soo talaabto Koofurta dalka Soomaaliya.
Dadka Xeebaha degan iyo kuwa Doomaha wata ayaa loogu baaqay inay taxadar muujiyeen, waxaana loo sheegay inay muhiim ka foojinaata Duufaantaan ku dhax guureysa Badweynta Hindiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:52 and have

