Duufaano ku dhufatay qeybo ka mid ah deegaanada xeebaha Puntland

Duufaano ku dhufatay qeybo ka mid ah deegaanada xeebaha Puntland

daajis.com:- Duufaano iyo roobab xoog leh ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ku dhuftay qeybo ka mid ah Xeebaha Puntland, iyadoo ay geysteen bur bur hantiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa horay u soo saartay digniino la xiriira duufaanta Chapala oo ku soo wajahan xeebaha gobolka bari, iyadoo meelaha ay duufaantan ku dhufatay ka mid tahay deegaanka Bareeda ee bariga fog ee Puntland.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Puntland C/llaahi Xaashi Qoob-deero ayaa sheegay in dabeylaha ay kiciyeen badda, taasoo keentay in biyaha ay ku soo rogmadaan deegaanno dhowr ah, halkaasi oo ay guryo badan ay ku burburiyeen.

Ma sheegin wax khasaare nafeed oo ka dhashay dabeysha, waxaana uu xusay inay aad u adag tahay in xiriir toos ah laga helo deegaanada ay duufaanta ku dhufatay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaatada ugu daran ay duufaanta sababtay ay ka mid tahay wadooyinka deegaanada oo go’ay, sida wadada isku xirta Baar-gaal iyo tuulooyinka hoos yimaado.

Kaluumeysata xeebaha Puntland ayaa sheegay inay jireen laashash dhowr ah oo ay la tageen mowjadaha badda ka yimid, waxaana horay loogaga digay kaluumeysatada inay badda galaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada