daajis.com:- War huban oo aan helnay ayaa xaqiijinayay in ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab ay hadda magaalada Muqdisho ka bilaabeen qaadista lacagta Zakada ah maadaama bishaas hadda lagu guda jiro.
Goobaha Ganacsiyada ,Shirkadaha iyo Hoteelada ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ka qaadanayaan lacago ay ku doonayaan Zako iyadoo qofkii diiday loogu hanjabayo in la dilayo ama qarax laga geysanayo goobtiisa.
Laamaha ammaanka oo horay arinkaasi u maqli jiray ayaa hadda waxa ay baadigoobayaan shaqsiyaad lacagahaasi u qaado ururka Al-Shabaab si ay kaga helaan xog baan oo ku aadan dhanka qarashaadkan sida lagu gaarsiiyo Al-Shabaab.
Tan iyo markii sanadkii 2011 ay Al-Shabaab isaga baxeen magaalada Muqdisho waxa ay qaadanayeen lacago ay ku sheegeen Canshuur balse ganacsatada ay baad u taqaan waxaana u qaadayay wakiilo iyaga ka socda oo magaalada ku sugan.
Inta badan Hotelada iyo Ganacsiyada diida lacagtaasi baada ah ayaa lagu qaadaa weeraro iskugu jira dilal iyo qaraxyo si ay qasab ugu dhiibaan lacagaha laga dalbanaayo iyaga.
Hadda xarumaha laga shakisan yahay waxaa la geeyay ciidamo dhar cad ah oo la shaqaaleysiiyay kuwaasi oo soo gudbinaya xogta ku aadan dadka lacagaha loogu dhiibo Al=Shabaab,waloow ganacsatada qaar ay ku tuuraan EVC si aan goobtooda loo imaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have

