daajis.com:- Diyaaradaha dagaalka Wadamada Ruushka iyo Mareykanka ayaa maalintii shalay waxa ay dhoolo tus wadajir ah ka sameeyeen hawada Dalka Siiriya , halkaas ay labada Dowladooda diyaaradahooda ka wadaan duqeymo ka dhan ah Kooxda Daacish.
Dhoolo tuskan ay wada sameeyeen Diyaaradaha Dagaalka Ruushka iyo Mareykanka ayaa noqoneysa tii ugu horeesay oo si wadajir ah ay uga sameeyaan hawada dalka Siiriya, waxaana ujeedka dhoolotuskan lagu sheegay mid looga hortagayo in ay isku dhax yaacaan diyaaradaha labada dal.
Wasaarada Difaaca Dalka Ruushka ayaa sheegtay in dhoolo-tuskan wadajirka ah ay ku tijaabinayeen qaabka ugu macquulsan ay diyaaradaha dagaalka labada dowladood ay kuwada xariiri karaan loogana hirtagi karo in isku dhac uu yimaado.
Dhoolo-tuska ayaa sidoo kale lagu tijaabinayay Mowjadaha isgaarsiinta ay labada dhinac kuwada xariiri karaan marka ay howlgalka wadaan, waxa ayna arintan muujineysa isu soo dhawaansho labada dhinac ah.
Dowladaha Ruushka iyo Mareykanka ayaa siyabao kala duwan waxa ay duqeymo ula beegsanayaan saldhigyada kooxda Daacish ay ku leedahay gudaha Siiriya, labada wadan ayaana isku khilaafsan qaabka loola dhaqmayo Dowlada Bishaar Al-Asad.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:51 and have

