daajis.com:- Warbixin cusub ayaa lugu dhaliiley heshiis dhanka ilaalinta badda Soomaaliya oo ay dowladda la gashey shirkad laga leeyahay wadanka Mauritius,waxaan ay eedeyntan ka soo baxdey guddi uu hor kacayo Bangiga adduunka.
Heshiiskan waxuu dhigaya shirkad laga leeyahay wadanka Mauritius in ay maamusho sharciyadda kalluumaysiga badda Soomaaliya,waxaana guddiga uu hor kacayo Bangiga adduunka ay soo jeediyeen in heshiiska la kansalo ama dib looga wada-hadlo.
Waxaa lugu sheegay heshiiskan inuu yahay mid ka soo horjeeda danaha guud ee wadanka iyo inuu kasoo kabsado dhaqaalo burburkii soo gaaray muddooyinkii uu dalka ku jiray dagaallada sokeeyem,sida lugu sheegay warbixin ay u gudbiyeen waaxda dhaqaalaha adduunka.
“In la siiyo shirkad ka diiwaan gashan dalka Mauritius gacan ku haynta kalluunka badda iyo ka ilaalinta kalluumaysiga sharci darrada ah waa xad ku gudub.” sidaasi waxaa qoray guddiga.
Heshiiskani ayaa dhacay bishii Jully sanadkii 2013-ka walow sida la sheegay shirkada aysan illaa hadda iibinin wax laysin ah.
Bangiga adduunka ayaa aaminsan in badda Soomaaliya ay kalluun qaali ku jiraan loona baahanyahay in la ilaaliyo si dhaqaalaha dalka uu soo kabo.
Guddiga ilaalada xeebta Soomaaliya ayaa ahaa mid marba marka ka dambeysa gala gacan hor leh iyadoo shirkado gaar loo leeeyahay ey iibiyaan laysinno been abuur oo ay dowladaha qaarna ku kalluumaystaan sida shiiinaha.
Dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaab celisey eedeyntan loo soo jeediyay,waxaana ay dowladdu sheegtey in wasaaradda maaliyadda ay ka wada hadli doonaan arrimaha la xiriira ilaalinta kalluunka iyo kalluumaysiga isbuuca dambe .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:57 and have

