daajis.com:- Ilo wareedyo katirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa noo xaqiijiyay in heer gabo gabo ah uu marayo qorshaha isku shaandheynta Golaha wasiirada Soomaaliya.
Xaruunta Madaxtooyada ee Villa-Somalia, ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah looga dareemay isku shaandheynta golaha wasiirada, waxaana la sheegayaa in isku shaandheyntaan ay ku bixi doonaan wasiiro xilal culus haaya, halka kuwo kalena boosaska look ala badali doono.
Wasiirada la hadal haayo ineey isku shaandheynta ku bixi doonaan, ayaa waxaa kamid ah kuwaan soo socda:
1-Wasiirka arr/gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa).
2-Wasiirka amniga qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed.
3-Wasiirka Arr/dibada Cabdisalaam Cumar Hadliye.
Dhanka kale Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, ayaa la sheegay ineey isla meel dhigeen in wasiirka Amniga Qaranka Cabdirisaaq marka xilka laga qaado laga dhigo Madaxweynaha maamulka loo samayn doono Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, halka Wasiir Odowaana loo magacaabo doono mid kamid ah Saafaradaha ay Soomaaliya ku leedahay Caalamka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:30 and have

