Shariif Xasan Oo Soo Saaray amar lagu bixiyay muddo 30 maalmood ah

Shariif Xasan Oo Soo Saaray amar lagu bixiyay muddo 30 maalmood ah

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa wareegto laga soo saaray Xafiiskiisa waxaa muddo 30 Cisho ah lagu siiyay dadka deggan guryaha ay leedahay Dowladda.

Guddoomiyaha Magaalada Baydhaba Cabdullahi Cali Watiin ayaa sheegay in Wareegtada ka soo baxday madaxweynaha koofur galbeed sideeda loo dhaqan gelinayo dadka deggan dhulalka dowladdana ay heystaan muddo bil ah.

Watiin ayaa yiri”Dadka deggan guryaha Dowladdii hore,kuwa wasaaradaha iyo wakaaladaha,waxaa ay heystaan 30 maalmood oo ay ku baneynayaan guryaha ay lahayd dowladdii hore,si loogu shaqeeyo dadka Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in dadka ay muddo ku soo gudbeen,haddana ay u baahan tahay dhulkeeda si ay ugu fuliso howlaha dowladnimo ee Koofur Galbeed.

Watiin ayaa intaa ku daray in dadka deggan guryaha dowladda uu ugu baaqayo in ay dhowraanb waqtiga loo qabtay kuna banneeyaan guryaha,waxaa uu sheegay in ay fursad 30 Cisho ah ku raadsan karaan guryo kale,ama ay degi karaan meelaha ay deggan yihiin dadka barakacayaasha ah,maaddaama dadka hadda deggan guryaha dowladda ay u badan yihiin dad ka soo barakacay magalooyinka kale ee Koofur Galbeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada