daajis.com:- Warark laga helaayo degmada Baardheere ayaa waxa ay sheegayaan in isgaarsiintii deegaanka ay dib u soo laabatay isla markaana howlgal lagu beegsanaayay Al-Shabaab laga sameeyay deegaano ku dhaw degmada.
Howgalka ay ciidamada ay sameeyeen ayaa lagu soo qabtay saddex gaari oo ay wateen Al-Shabaab kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka haqaqable oo 40 km u jira degmada Baardheere.
Sidda uu xaqiijiyay Garaad Axmed Warsame oo ah Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Degmada Baardheere , ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku soo qabteen gaadiid ay wateen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Gawaarida ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen ayaa waxa ay kala ahaayeen nooca loo yaqaano Qooqanta oo ay u isticmaali jireen Zekawaadka ,Hal cagaf cagaf iyo Baabuur nooca Seerafta,waxaana la sheegay in xilligii lasoo qabanaayay baabuurtaasi ay ku jireen meel dhiiqo ah.
Dadka deegaanka ayaa loo soo bandhigay sedexdaasi gaari waxaana la sheegay in xubnihii la socday aan lasoo qaban.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:30 and have

