daajis.com:- Aung San Suu Kyi oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee dalka Myanmar (The National League for Democracy), ayaa jawaab ka bixisay hujuumka uu ku haayo militariga dalkaasi maamula.
Iyadoo maalinta Axada lagu wado in doorasho furan ka dhacdo dalkaasi, muddo 25 sano markii ugu horeysay, ayuu militarigu sameeyay dastuur qabyo ah, oo haweeneydaasi ka horjoogsanaaya in Madaxweyne ka noqoto dalkaasi.
Haddii xisbigeedu uu ku guuleysto doorashada ka dhacaysa dalkaasi, ayaa waxay ballanqaaday inay soo magacaabi doonto Madaxweyne, kaasoo ku shaqaynaaya rabitaankeeda.
Aung San Suu Kyi, ayaa waxay tani ku sheegtay mid iyada u ogolanaaya inay noqoto mid Madaxweyne ka sareysa, iyadoona shacabka ugu yeertay in xisbigeedu ay u codeeyan.
Warbaahinta Caalamka, ayaa qortay in bulshada reer Myanmar ay si weyn ula dhacsan yihiin hannaanka siyaasadeed ee haweeneydaasi, isla-markaana ay u muuqdaan kuwo dooran doona xisbiga ay hogaamiso.
Haweeneydu waxay ballanqaaday inay ka shaqayn doonto ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla-markaana ay ka hortageyso xadgudubyada ka dhanka ah dadka laga tirada badan yahay.
Myanmar oo kol hore loogu yeeri jiray Burma, ayaa waxa uu ku yaallaa Koonfur Bari Qaaradda Asia. Dadkiisu waxaa lagu qiyaasaa 53 milyan, waxaana caasimad u ah Naypyidaw.
Nidaamka ay ku haminasyo Haweeneydaan ayaa noqon doono mid cusub oo aan horay uga mid ahayn siyaasada Adduunka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:30 and have

