daajis.com:- 18 jirkan u dhashay waddanka Mareykanka ayaa la helay kaddib markii la sheegay in la la’aa in ka badan 13 sano.
Wiilkan oo lagu magacaabo, Julian Hernandez, ayaa shan sano jir ahaa markii la sheegay in aabihii uu ka kaxaystay magaalada Birmingham, ee gobolka Alabama.
Julian ayaa waxa ay aheyd in bishii Oktoobar ee 2002-dii laga saaro dugsiga lagu tababaro carruurta yaryar, balse taasi ma aanay dhicin.
Hooyadii ayaa la’ayd wiilkaasi iyadoo mas’uuliyiinta ay markastaa ka shakisnaayeen in wiilka uu afduubtay aabihii.
Waxaa la rumeysan yahay in wiilka iyo aabihii ay ku noolaayeen magaalada Cleveland ee Ohio, halkaasi oo ay ku isticmaalayeen magacyo kale.
Xeer ilaaliya deegaanka Jefferson, ee gobolka Alabama, ayaa waxa uu u sheegay weriyayaasha in markii Julian oo haatan 18 sano jir ah uu damcay in uu codsi u dirsado kuliyad uu ogaaday in numberka ammaanka bulshada ee uu aabihii siiyay aanan la xaqiijin karin.
Kaddibna wiilku waxa uu ogaaday in magaciisa uu ku jiro shaxda carruurta la la’yahay.
Markaana waxa ay aheyd markii la wargeliyay FBI-da, aabihiina waa la xiray.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:39 and have

