Maamulka Puntland oo Ka Feejigan Weerar Kaga soo food leh Daacish

Maamulka Puntland oo Ka Feejigan Weerar Kaga soo food leh Daacish

daajis.com:- Maamulka Puntland, ayaa markii ugu horeeysay soo saaray digniin ku aadan weeraro argagixiso oo kaga soo food leh dhanka ururka Daacish ee dhawaan ka go’ay Al-shabaab, kuwaasoo haatan ku sugan Buuraha Gal-Gala.

Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi oo waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidankoodu ay diyaar u yihiin wixii weerar ah ee ka yimaada ayna heegan yihiin.

Waxa uu shaaciyey in weerarada ay qorsheynayaan kuwa Daacish ah ay yihiin weeraro ay doonayana inay isku soo shaac bixiyaan, si loo yiraahdo Daacish ayaa weerar ka geysatay Soomaaliya.

Taliyaha waxa kale oo uu xaqiijiyey in laba koox oo mid Daacish ay raacsan tahay, midna ay weli yihiin Al-Shabaab ay ku wada sugan yihiin buuraha.

Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in kooxda ka go’day Al-Shabaab ee Dacaish raacday ay sidaas u sameeyeen dhaqaale dartiis, oo aysan lahayn oo wax qaddiyad ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada