Qax ka Bilaawday Caasimadda Burundi iyo Xaalada Dalkaasi oo kacsan (VIDEO)

Qax ka Bilaawday Caasimadda Burundi iyo Xaalada Dalkaasi oo kacsan (VIDEO)

daajis.com:- Dalka Burundi ayaa waxaa maalintii labaad ka taagan Xaalad kacsan, kadib markii ay Sabtidii ku ekeyd xilligii loo qabtay dadka hubka haysta ee dowladda ka soo hor jeeda inay hubkooda soo wareejiyan.

Dadka rayidka ayaa maalintii labaad isaga barakacaaya Bartamaha Magaaalda Bujumbura, si aanay saamayn ugu yeelan isku dhacyo laga cabsi qabo inay dhexmaraan Xukuumadda Dalkaasi iyo mucaaradka.


Warbaahinta Dalka Burundi ayaa waxay qortay in dadku u barakacayaan cirifyada Magaalada caasimadda ah ee Bujunbuura, iyagoo halkaasi doonaya inay kaga badbaadaan xaaladda kacsan ee ka jirta dalkaasi.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga ayaa waxaa la fillayaa in ay qaadi doonaan hawlgalo ka dhan ah dadka hubeysan. Dowladdu waxay u aragtaa hubkaasi mid halis ku ah deganaanshaha Dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada