War Deg Deg Ah :Ciidamada Nabad Sugida oo goordhaw soo afjaray Weerarkii lagu qabsaday Hotelka Saxafi

War Deg Deg Ah :Ciidamada Nabad Sugida oo goordhaw soo afjaray Weerarkii lagu qabsaday Hotelka Saxafi

daajis.com:- Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Nabad Sugida Soomaaliya ay goordhaw si buuxda usoo afjareen Weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi.

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaan tiradoodana aan si rasmi ah loo heyn ayaa saakay aroor hore waxa ay gudaha u galeen Dhismaha Hotelka Saxafi kadib markii halkaasi lagu qarxiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Raga hubeesan ee Gudaha u galay dhismaha Hotelka Saxafi ayaa gudaha hotelkaasi waxaay ku toogteen Masuuliyiin, Xildhibaano, Ganacsato iyo Saraakiil halkaasi ku sugnaa, waxaana dhismaha Hotelka ka dhacay dagaal socday mudo saacado ah.

Ciidamada Nabad Sugida Qaranka gaar ahaan kuwa sida Gaarka ah u tababaran ee gaashaan ayaa gudaha u galay dhismaha Hotelka, waxa ayna Ciidamadaasi iyaga oo dagaal kula jira ragii weerarka ka dambeeyay ay sidoo kale bad baadinayeen dad ku go'doonsanaa dhismaha Hotelka.

Saraakiisha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka ayaa laga soo xigtay in lasoo afjaray weerarkii rag katirsan Al-Shabaab ku galeen dhismaha Hotelka Saxafi, waxa ayna Ciidamada toogasho ku dileen ragii weerarka ku qaaday Dhismaha Hoteelkaasi.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa howlgal ay ku xaqiijinayaan amaanka wali ka wada dhismaha Hotelka, waxa ayna ciidamada banaanka usoo saareen qaar kamid ah dadkii ku xayirnaa dhismaha Hoteelkaasi ay ku jireen Siyasaiyiin, Xildhibaano iyo Culumaa'udiin caan ah.

Dhismaha Hoteelka ayaa laga soo saarayaa Meydadka iyo dhaawacyo dad gudaha Hoteelkasai ku sugnaa, waxaa sidoo kale ay Ciidamada banaanka usoo saareen meydadka qaar kamid ah ragii weerarka fuliyay oo goobtaasi lagu dilay.

Weerarka saakay lagu qaaday Dhismaha Hotelka Saxafi ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 15-qof oo isugu jira shacab, Siyaasyiin, Xildhibaano ,Saraakiil ,iyo qaar badan oo kamid ahaa ilaaladii Hotelka Saxafi.


Waxii Warar dheeri ah ee amuurtan kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada